Home » Wararka » Uganda Oo Ka Cabsi Qabta Weerarro Al-Shabaab Ka Fuliyaan Magaalada Kampala.

Uganda Oo Ka Cabsi Qabta Weerarro Al-Shabaab Ka Fuliyaan Magaalada Kampala.

Dowladda Uganda ayaa ciidamo badan oo isagu jiray malateri iyo booliis dhigtay magaalada kambala ee xarunta dalkaasi,iyadoo ka cabsi qabta weeraro qaraxyo ah oo xarakada Al Shabaab ay halkaasi ku qaadaan.

Afhayeen u hadlay booliska dalka Uganda ayaa sheegay in sanadkii 2010 ciyaartii kama dambeysta ahayd ee koobka adduunka weerar qaraxyo ah oo ka dhacay Kampala ay ku dhinteen 76 ruux kuwo kalena ay ku dhaawacmeen,kuwaasoo daawaneyey ciyaarahaasi.

Wuxuuna intaasi ku daray in maanta oo ay dhaceyso ciyaarta kama dambeysta ee koobka adduunka ee ka socda dalka ruushka.

Patrick Onyango oo ka tirsan saraakiisha booliska ee dalka Uganda oo u waramayey wakaalada wararka ee Xinhua ayaa xusay in booliiska la dagaalama argagixisada iyo ciidamada malateriga ay roondooyin ku sameyanayaan gudaha magaalada Kampala.

“waxaana gudaha magaalada Kampala gaynay ciidamo dheeraad si ay ugu hortagaan weeraro qaraxyo ah oo dhici kara,sidoo kale waaan kordhinay dhinaca sirdoonka”sidaasi waxaa yiri mr Patrick Onyango.

11-kii July ee sannadkii 2010  oo dhaceysay ciyaartii kama dambeysta ahayd ee koobka adduunka ayaa waxaa Al Shabaab ay qarax xoogan ku weerareen maqaayad ku taala bartamaha kambala halkaasoo ay ku geeriyoodeen ku dhawaad 80 ruux.

Radio Shabelle.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: