Home » Wararka » Uhuru Kenyatta: “Heshiiska Uu Farmaajo La Galay Abeey Wuxuu Noo Yahay Fursad Weyn”

Uhuru Kenyatta: “Heshiiska Uu Farmaajo La Galay Abeey Wuxuu Noo Yahay Fursad Weyn”

Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa waxa uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay heshiiskii Itoobiya lagu siiyay Dekedaha Soomaaliya ee dhex maray madaxweynaha DF, Farmaajo, iyo ra’iisulwasaaraha Itoobiya, Abeey Axmed.

Hadalkan ayaa waxa uu ka sheegay kulan uu Madaxtooyadiisa kula qaatay wasiirada ugu muhiimsan dowladdiisa, kulankan oo ay saxaafadda Nayroobi ku sheegeen mid lagu qiimeynayay shaqada xukuumadda.

Uhuru, ayaa sheegay in waxa uu ugu yeeray heshiiska uu fursad weyn u yahay Kenya oo uu xusay in ciidamo ay leedahay ay ka joogaan Soomaaliya kana mid tahay dalalka dariska la ah, tan oo micnaheedu yahay annagana waa inaan qeybteena helnaa.

“Kenya waa ay taageereysaa heshiiskan, waana in aan annaguga uga faa’iideysanaa sida Itoobiya oo kale” ayaa kamid ah hadallada laga soo xigtay madaxweynaha dalkaasi.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu wasiiradiisa u bidhaamiyay iney jirto fursad uga bannaan Soomaaliya, loona baahan yahay iney xoojiyaan la shaqeynta dowladda federalka ah.

Ugu dambeyntii waxa uu sheegay in ay dowladdiisu qorsheeneyso iney iyana heshiis la gasho dowladda Farmaajo, balse uu heshiiskaasi noqon doono mid ay ka fiirsadaan noociisa.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: