Home » Wararka » Walla-weyn: Ciidamo Taabacsan Maraykanka Oo Hawl-gal Dhimasho & Afduub Sababay Fuliyey
"The Hangar" at MCAF Beledogle Somalia. Operation Restore Hope. Marines from the Air Combat Element (ACE) of Marine Forces Somalia cleared out tons of debris, dirt, and bats that had inhabited the hangar. This structure served as the ACE Headquarters building and maintenance facility.

Walla-weyn: Ciidamo Taabacsan Maraykanka Oo Hawl-gal Dhimasho & Afduub Sababay Fuliyey

Ciidamada Bankarafta ee hoostaga kuwa Maraykanka ee duullaanka ku jooga Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee xalay waxay howlgal khasaare dhaliyay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha hoose.

Malleeshiyaadkan Bankrafta ayaa weeraray degggaan dhaca duleedka Walla-weyn oo ka mid ah degmooyinka gobolka Shabeellaha hoose, waxaana halkaas ay ku dileen qof beeralay ah.

Sida ay wararku tibaaxayaan ciidamada Soomaalida ee ka amar qaata Maraykanka ayaa sidoo kale halkaas waxay ka kaxeysteen ugu yaraan 3 ruux oo shacab ah, kuwaas oo loo badinayo inay la aadeen saldhiga garoonka Balidoogle.

Gobolka Shabeellaha hoose ayaa marar badan oo hore waxaa ka dhacay weeraro iyo howlgallo ay si wadajir ah u fulinayaan ciidamada Maraykanka iyo kuwa Soomaalida, waxaana howlgalladaas ku dhintay tobanaan ruux, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan, waxaana jira dad weli ay ciidamada maraykanku gacanta ku hayaan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: