Home » Aragtida Dadweynaha » Waxbarasho Xer-u-dhalad Ah Ma Loo Baahan Yahay?

Waxbarasho Xer-u-dhalad Ah Ma Loo Baahan Yahay?

Dhibkii Dugsiyada Gumaystuhu Gaadhsiiyeen Horusocodkii Waxbarashada Ardeyda Soomaalida, waxa maqaal ka qoray; Maxamed Baashe X. Xasan January 12, 2017.
………………………………………

Waxbarasho Xer-u-dhalad Ah Ma Loo  Baahan Yahay?

Waxbarashada casriga ahi waxa ay la kowsatey soo gelitaankii gumaystayaasha reer Yurub ee arlada soomaalida, waxaana bilowgii laga lahaa ujeeddo iyo qarad diin fidin salka ku haya. Wadaad masiixi ah ama baaderi, ayaa waxbarashadaas hor kuutinayey. 1891-kii ayaa dugsiyadii ugu horreeyey ee noocaas ahaa laga kala furay magaalooyinka xeebta kulaalaya ee Berbera iyo Bulla-xaar, 1905-tiina magaalada Saylac. Waxaa dugsiyadaas lagu bilaabay inammo aanay tiradoodu badnayn oo ay ka mid ahaayeen X. Faarax Oomaar, Xuseen Kaatoli, Ciise Faranji, Axmed Cali (Maykal Maryama Aabbihiis), Fideer, Maxamuud Diiriye Suul Laawe iyo qaar kale. Dugsigii Dhaymoole ee Berbera duleedkeeda ku oolli jirey ayaa ugu caansanaa dugsiyadaas oo markii dambe wada xidhmay oo socon waayey, ardaydii ku jirteyna waxaa loo qaaday dhanka magaalada Cadan dugsi Baaderi oo ku yaalley.
Markii ay xidhmeen dugsiyadii Baaderigu, waxaa keliya oo waddanka ka jirey dugsiyo gaar ah oo ay dhigtaan carruurta Hindida iyo Carabtu. Magaalada Berbera ayaa dugsi ku yaalley kuwaas ka mid ahaa. Aabbihii Waxbarashada Maxamuud Axmed Cali waxaa uu fursad iyo nasiib u helay inuu galo oo wax ka barto dugsigaas Hindida iyo Carabtu wada lahaayeen, kuna qaato waxbarashadiisii aasaasiga ahayd. Sannadkii 1919 ayaa Maxamuud Axmed Cali waxbarasho ugu kicitimay waddanka Suudaan, waxaanu tacliintiisa sare ka bilaabay magaalada Kharduum kulliyad ku taalla oo lagu barto macallinnimada oo loo yaqaanney Bakhta Al-Ruda. Dhammaadkii tobanlihii 1920-naadkii ayuu Maxamuud ka soo laabtay waxbarashadaas.
Maxamuud Axmed Cali waxaa uu ku baruurugsanaa ahmiyadda ay leedahay in ubadka soomaalida loo helo waxbarasho ka duwan tii Baaderiga, waxaanu fahamsanaa, kana dheregsanaa khilaafkii ka dhex aloosnaa soomaalida iyo maamulayaashii gumaysiga. Si haddaba xeegana xeego u noqoto, ilkana u nabad galaan, waa in Maxamuud isu soo jiidaa labada dhinac: Waalidka ubadkiisu waxbarasho la‟aanta la kadeedan yahay iyo nimanka shisheeye ee u taliya. Maxamuud Axmed Cali waxaa uu isku taxallujiyey in maamulkii gumaysigu taageero u fidiyo rugihii waxbarashada soomaalida ee dhaladka ahaa, kuwaas oo ahaa malcaamadihii qur‟aanka, si waalidiintu isugu soo taagaan in ay ubadka u oggolaadaan in ay ka qayb qaataan barashada aqoonta kale ee caadiga ah, Maxamuudna gadh-wadeenka ka ahaa.
Maxamuud Axmed Cali wuxuu halgan dheer oo dhib badan u galay sidii uu aqoon ugu ababin lahaa ubadka soomaalida hablo iyo inammaba iyo sidii loogu heli lahaa goobo waxbarasho oo la isugu keeno marka ay malcaamadaha ka soo aflaxaan. Maxamuud waxaa uu geli jirey safarro dhaadheer dhulka oommanaha ah ee surmiga iyo harraadku yaalliin ee xoola raacatada Soomaalida, si uu uga soo ururiyo carruur waxbarashadaas kaalintooda ka qaadata. Waxaa uu kaxaysan jirey rakuub (awr la fuulo) ama faras, waxaanu dhex mari jirey dhulka daaqsinka ah ee reer guuraaga. Waxaa uu weydiisan jirey in ay siiyaan oo ku daraan hablo ha joogaane 20, 10 ama 5 wiil iwm oo waxbarashada ka qayb gala (Siciid Jaamac Xuseen iyo Maxamuud Sheekh Axmed Dalmar). Inta badan waxaa uu la kulmi jirey hungo oo waa loo diidi jirey, meelaha qaarna waxaa uu kala kulmi jirey or iyo canbaarayn. Dadku waxa ay ka biyo diidayeen waxbarashadii Baaderigu hormuudka ka ahaa ee bilowgii, Maxamuudna waxaa uu aqoonsanaa, una muuqatey baahida loo qabey in la abuuro waxbarasho casri ah oo la jaan qaadi karta dhaqanka iyo diinta oo aan ahayn taas hore ee laga wayiigayey ee baaderiyeysnayd.
1929-kii oo ku beegmaysa ayaamihii Maxamuud Axmed Cali ka soo laabtay Suudaan iyo waxbarashadiisa waxaa geestii Soomaalida ee Ingiriisku xukumayey ka furnaa dhawr dugsi oo maamulka gumaysigu maal gelin jirey. Niman wadaaddo ah ayaana dugsiyadaas carruurta ugu dhigi jirey afka carabida iyo xisaabta.
Dhanka kale ee Talyaanigu xukumayey waxaa xilligaas ka hanaqaadsanaa dugsiyo badan oo hoos tegayey Kiniisadaha Talyaaniga, waxaanay dugsiyadaasi ka furnaayeen magaalooyinka Muqdisho, Marka, Baraawe, Jilib, Afgooye, Baydhabo, Raas Xaafuun iyo meelo kale.
Talyaanigu kalama kulmin koonfurta dhibaatadii iyo diidmadii waxbarashada ee Ingiriisku kala kulmay waqooyiga. Dhinaca koonfurta waxaa doorka Maxamuud Axmed Cali mid la mid ah ku lahaa Macallin Jaamac Bilaal oo dedaal weyn u galay tis-qaadka dugsiyada waxbarashada casriga ah magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda. Fartii Cusmaaniyada iyo Cismaan Yuusuf Keenadiid, ayaa xoog ku lahaa meelo ka mid dhulalka soomaalida, gaar ahaan gobollada badhtamaha (Maxamed Daahir Afrax).
Sannadihii 1930-naadkii waxaa kordhaysey tirada dugsiyada waxbarashada, waxaana dugsiyo cusubi ka furmeen magaalooyinka Berbera, Burco iyo Hargeysa. Xilligii dagaalweynihii 2aad ee dunida waxaa badiba magaalooyinka waaweyn ka furmay dugsiyo kale oo cusub, waxaanu Ingiriisku bilaabay inuu maal geliyo 19 malcaamadood oo ku yaalley magaalooyinka Hargeysa, Burco, Berbera iyo meelo kale (Buugga Xasuus Qor). Waxaa xilligaas ka dib soo iftiimayey dareen hoosta ka xarriiqaya in indho ka duwan kuwii hore lagu eegayo dugsiyadaas laabta la soo kacaya ee waxbarashada.
Waxaa furmay dugsiyadii Shiikh iyo Cammuud oo lagu qaadan jirey tacliinta dugsiga sare. Dagaalkii 2aad ee dunida ka dib ayay habluhu bilaabeen in ay si rasmi ah dugsiyada u tagaan oo ay wax bartaan. Ragga culimada ah ee furitaankii dugsiyada iyo kobcinta waxbarashada dhiirri gelinta badan siiyey waxaa ka mid ahaa Sh. Ismaaciil Faarax oo magaalada Burco malcaamadaha iyo dugsiyadii ugu horreeyey macallin ka ahaa. X. Muuse Ismaaciil Galaal oo joogey idaacadda ayaa aftahannimadii Alle ku galladay iyo aqoontiisii dhaqanka iyo af Soomaaliga ku xoojinayey u bislaynta dadka waxbarashada.
Abwaankii weynaa ee Cabdillaahi Qarshe ayaa isna kaga qayb qaadanayey hal-muceedyadiisii xoogga iyo saamaynta badnaa: “Aqoon la’aani waa iftiin la’aane, ogaadaay ogaadaay, dugsiyada ogaadaay; oo aadaay oo aadaay waalaalayaal oo aadaay’!
Dhiirri gelinta waxbarashada waxaa qayb ka ahaa soo if bixii ciyaaraha Sport-ka iyo taabba qaadkoodii oo soo jiidasho ku sameeyey da’yartii Soomaalida, halkanna waxaa iga soo qoollaaliyaya doorarkii wax-ku-oolka ahaa ee aabbihii Sportiga Cabdi Siciid Xuseen oo ka mid ahaa dadkii Cadan wax ku bartay ee ka soo wareegey xilliyadii u dhexeeyey labadii dagaal weyne ee dunida. Cabdi Siciid waxaa uu sameeyey kooxo Sporti oo tartama, hoosna taga oo ka yimaadda goobaha waxbarashada.
Raggii kale ee kaalinta ku lahaa hirgelinta iyo kobcinta waxbarashada casriga ah, Maxamuud Axmed Calina ku lammaanaa waxaa ka mid ahaa Sh. Xasan Maygaag Samatar, Maxamed Shire iyo Cali Jirde oo ka mid ahaa qolyihii ugu horreeyey ee qalinka ku raadka bartay iyo qolyihii kuwaas ku sii xigey, ayna ka mid ahaayeen Yuusuf X. Aadan Cilmi, Ismaaciil Yuusuf Samatar-Gaandi iyo Maxamed-ruun Sh. Madar.
Sannadkii 1953 waxa magaalada Burco Ingiriisku ka furay dugsigii ugu horreeyey ee habluhu wax ku bartaan. Hablihii ugu horreeyey ee lagu furay Dugsigaas Hablaha ee magaalada Burco, kana aflaxay waxa ka mid ahaa: Deeqa Col-u-joog, Raaqiya X. Ducaale, Shamis Xuddoon, Saakin Jirde Xuseen, Kaltuun Iimaan (Gabadhii ugu horraysey ee idaacad ka warranta, 1959, Laanta Afsoomaaliga BBC-da) iyo Jawaahir Cabdalle Xaaji Faarax.
Si waxbarashada loogu dhiirrado hablaha dugsigaasi lagu bilaabay intooda ugu badani waxa ay ka yimaaddeen qoysaskii ugu ladnaa, uguna caansanaa Somaliland min gobolka Sool ilaa Awdal inta u dhaxaysa.
Halkan hoose waxaa ka muuqda shaxanno is barbar dhig ku samaynaya hablihii dugsiyada waxbarashada ku jirey sannad dugsiyeedkii 1959/1960 iyo sannad dugsiyeedkii 1987/1988. Waa laba tiro koob oo ay qaadday wasaaraddii waxbarashadu oo aan ka soo daalacday buugga Haweenku Waa Hoy iyo Hooyo boggiisa 89aad ee uu leeyahay qoraagii Khaalid Cali Guul Warsame AHN.
Tiro koobka Sannad dugsiyeedkii 1959/1960
Dugsiyada Hoose…………………………. 4,732 Hablood
Dugsiyada Dhexe…………………………. 102 Hablood
Dugsiyada Sare……………………………. 57 Hablood
Jaamacadda………………………………… 0%
Heerka korodhka hablaha waxbarshada ka qayb qaadanaya waxaa uu cirka isku shareerayaa nus qarni ka dib marka aynu eegno tiro koobkan kale ee la sameeyey, weliba iyada oo xilligan la qaaday tiro koobkan dambe uu ahaa xilli aanu waddankii Soomaaliya degganayn guud ahaan oo qalalaase siyaasadeed, dagaallo sokeeye iyo gadoodyo dadweyne ku getfanaayeen waayaha iyo wacaasha dadka iyo dalkaas kala daatay, gaar ahaanna qaybo ka sii mid ah, sida gobolladii waqooyiga ee hadda Somaliland ah.
Tiro koobka Sannad dugsiyeedkii 1987/1988
Dugsiyada Hoose…………………………. 104,700 Hablood
Dugsiyada Dhexe…………………………. 85,600 Hablood
Dugsiyada Sare……………………………. 43,205 Hablood
Jaamacadda………………………………… 30%
Celcelis ahaan waxaa hablaha dugsiyada dhigtaa sannadkii 1987/1988 ka ahaayeen wadarta guud ee ardayda 40%, jaamacaddana 30%. Sida wax waliba waddanka beryahaasi u sii dumayeen ayay tayada waxbarashaduna sii liicaysey maalinba maalinta ka sii dambaysa ilaa laga gaadhayey shaf dhul ku dhufashadii iyo sagxad qaniinkii burburka guud. Hayeeshee waxaa ay ahayd tallaabo loogu dhaqaaqay dhinaca tubta horumar beegsiga. Dabcan waa la turunturrooday, waa la kufay, kubka iyo bawdana waa la iska barkaday oo laga jabay!
Hase yeeshee hirgelintii qoraalka afka hooyo waa raandhiis madhax ama hadh-dho yeeshay oo ka soo doogey burburkii dhacay, una kayd galay si libin ku geeraar leh, waxaana ka soo baxay oo ka aflaxay in badan oo bulshada ka mid ah oo dumar iyo ragba leh oo waxna ku akhriya, waxna ku qora oo isku cabbira afkooda hooyo quruxdiisa, hodantinnimada sarbeebtiisa, duur xulkiisa, miiddiisa iyo macaankiisa.
Maanta ayaandarrada jirtaa waa iyada oo si kaaftooni leh aan ardayga wax loogu barin afkooda hooyo. Tirada hablaha wax baranaysa ee dugsiyada ama jaamacadaha Somaliland ku jirtaa waxa ka muuqda kor u kac weyn. Gabadh wax taqaan waxa ay soo saari kartaa qoys wax yaqaan.
Dugsiyada waxbarashada iyo jaamacaduhu waxa ay u baahan yihiin in manhajkooda lagu daro ama haddii uu ku jirona la sii tayeeyo manhaj xer-u-dhalad ah oo si aqoonaysan, garashaysan ardayda loogu dhigo afka, dhaqanka, suugaanta iyo taarikkhda ummaddooda.
Hargeysa waxa aan kula kulmay arday u harraaddan oo u goolmoon gaajo ahaan aqoonta isku xidhaysa iyaga iyo ummadnimadooda, afkooda, dhaqankooda, taariikhdooda, iyo suugaantooda. Waa ay u oomman yihiin, waa ay u jeellan yihiin, waana ay doonayaan, wax se maqan ciddii ku habi lahayd iyo ciddii u suura gelin lahayd goobtii, goortii iyo agabkii fududayn lahaa in hawshaasi dhalato oo hanaqaaddo.
Afafka kale sida Carabida iyo Ingiriisida in la bartaa waa arrin loo baahan yahay, se looma baahna arday aan afkiisa isku cabbiri karin, wax ku qori Karin, waxna ku akhriyi Karin si fiican. Waa loo baahan yahay arday caalamka wax kala socda, looma se baahna arday aan waddankiisa waxba ka aqoon, kaaga se sheekeeye oo kuu kala dhig dhiga webiyada iyo togagga Suudaan, kuraha iyo carro-tuullada lama degaannada Sacuudi Areebiya ama buuraha Maraykanka iwm.
“Adoon Boon ka sheekayn
U tallaabin Baariis
Ama badaha waaweyn
Nafta aan ku biimayn
Barashada dalkaagaa
Horta laga bogtaayoo
Beryo laysku hawlaa”
Hadraawi, Baaq 1970.
Hablo iyo inammo ba wax ha la baro si isku mid ah, aqoonta xer-u-dhaladka ahna xoogga ha la saaro weeye farrintu.
Ummadna haddii la doonayo in la dilo, afkeedaa lagu horreeyaa!
Lama arag adduunyada ummad afkeeda ka faanta innaga mooyaane!
Xigasho
• Khaalid Cali Guul, Buugga Hooy iyo Hooyo
• Faarax Maxamuud, Buugga Xasuus Qor
• Waraysi: Maxamed Daahir Afrax (Qoraa), Maxamuud Sheekh Axmed Dalmar (Taariikhyahan) iyo Siciid Jaamac Xuseen (Qoraa) iyo maqaallo aan hore u daabacay, gaar ahaan buugga “Guri Waa Haween”. Maxamed Baashe Xaaji Xasan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: