Home » Wararka » Waziirka Difaaca Mareykanka Oo Isku Day Dil Ka Badbaaday.

Waziirka Difaaca Mareykanka Oo Isku Day Dil Ka Badbaaday.

Wasiirka Difaaca Mareykanka James Matisse ayaa isku day dil ka badbaaday xilli uu Safar aan horay loo sii shaacin ku tagay dalka Afghanistan.

James Matisse ayaa markii uu tagay saldhiga ugu weyn ee ciidamada Mareykanka ay ka sameysteen dalka Afghansitan kaasi oo ku dhex yaala garoonka diyaadaha Bagram ee gobalka Barwaan ee waqooyiga Afghanistan waxa uu la kulmay weerar culus oo kaga yimid dhanka ciidamada Daalibaan.

Guutada Madaafiicda Imaarada Islaamiga Afghanistan (Daalibaan) ayaa tiro madaafiic ah ku garaacay saldhiga, waxeyna Madaafiicdu ku dhaceen gudaha saldhiga taasi oo sababtay khasaara nafeed iyo mid hantiyadeed oo soo gaadhay ciidamada Mareykanka.

Waziirka Difaaca Mareykanka James Matisse ayey wararku sheegayaan in cabsi xooggani soo wajahday maadaama gudaha saldhiga ay kusoo dhaceen tiro madaafiic ah xilli uu kulan la lahaa saraakiisha ciidamada Mareykanka ee ku sugan saldhigaasi.

Isku dayga dilka ah ee uu ka badbaaday waziirka difaaca Mareykanka ayaa kusoo aadaysa xilli dhiig-bax xooggani uu ku socday ciidamada Maraykanka ee duulaanka ku joogta dalka Afghanistan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: