Home » Wararka » Weerar Jidgal Ah Oo Ciidamada Burundi Ku Qabsaday Duleedka Mahadaay

Weerar Jidgal Ah Oo Ciidamada Burundi Ku Qabsaday Duleedka Mahadaay

Xoogaga Al Shabaab ayaa wadada u galay kolonyo katirsan ciidamada shisheeyaha Burundi ee xoogga ku jooga gobolka Sh/dhexe ee waqooyiga magaalada Muqdisho.

Wararka ka imanaya deggaanka Cali-Fooldheere oo dhanka Waqooyi kaga beegan degmada Mahadaay ayaa sheegaya in dagaallo culus ay mar kale ka dhaceen deggaanka oo ay ku sugan yihiin ciidamada shisheeyaha AMISOM.
Shalay Gelinkii dambe ayay dagaallo culus ku dhexmareen ciidamada Al Shabaab iyo Huwanta dhulka hawdka ah ee Kala Badha Cali-Fooldheere iyo degmada Mahadaay, ilo-wareedyo ayaa sheegaya in wadada loo galay kolonyo ciidamo Burundi ah oo ka amba baxay dhanka Mahadaay kunasii jeeday Cali Fooldheere.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab oo wata gaadiidka Tiknikada ay dagaal culus la galeen ciidamada Burundi oo isku dayaya in ay saad u gudbiyaan ciidamada kaga go’doonsan deggaanka Cali Fooldheere, jugta madaafiic iyo rasaas lays dhaafsanayay ayaa laga maqlayay dhulka hawdka ah ee dhanka waqooyi kaga beegan Mahadaay.
Warar hordhac ah waxay sheegayaan in mid kamida gaadiidka xamuulka ciidamada Burundi lagu waxyeelleeyay dagaalka, Bishii lasoo dhaafay weerar dhabbagal ah oo ka dhacay duleedka Balcad ayaa cagta lagu mariyay kolonyo katirsanaa ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi iyadoo halkaasi xarakada Al Shabaab ay ku qabsadeen 17 gaadhi.
Somalimemo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: