Home » Wararka » Weerarkii Otto Otto Oo Galaaftay Xilka Mas’uul Sare

Weerarkii Otto Otto Oo Galaaftay Xilka Mas’uul Sare

Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka, Maxamed Abuukar Islow ayaa xilkii ka qaadey Cabdicasiis Xildhiabaan, oo ahaa afhayeenka Wasaaradda amniga, kadib markii war aan laga fileynin ka sheegay warbaahinta.

Afhayeenka ayaa xilkiisa ku waayay inuu hay’adaha amniga dowladda ku dhaliilay inay ka gaabiyeen ka hor-tagista weerarkii sabtidii Xarakada Al-Shabaab ku qaadey xarunta Otto Otto oo ay wada degan yihiin Wasaarada amniga iyo arrimaha gudaha.

Cabdicasiis Xildhibaan ayaa shaki geliyay weerarkii Otto Otto in Al-Shabaab kaliya ka dambeysay, isagoo muujiyay inay jirto wadashaqeyn ay ka heleen hay’adaha amniga, maadaama dableyda hubaysani ay si fudud ku galeen dhisamaha.

Laakiin, Cabdi Casiis Xildhibaan ayaa ku doodaya in isagu uu iska casiley xilka shan cisho ka hor, isla markaana warqadda hadda kasoo baxday Wasiir Islow ay tahay mid lasoo saarey kadib markii uu shaqada faaruqiyay.

“Anigoo ka jawaabaya qoraal uu hadda i soo gaarsiiyay Xoghaynta wasiir AMNIGA oo ku saabsan Qoraal la been abuuray in uu soo baxay 05/July/2018 in laga iga qaaday Xilkii Afhayeenka wasaaradda amniga, waxaan shacbiga Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in aan u gudbiyay in aan iska CASILAY xilkaasi 07/07/2018 ka dib weerarkii lagu soo qaaday Xarunta wasaaradaha Amniga iyo Arrimaha Gudaha markii aan isugu tagnay Taliska NISA ee gobolka Banaadir, halkaas oo ay joogeen saraakiil ka tirsan dowladda. Wixii su’aalo ah waxaan ka jawaabayaa maalinnimada berrito ah,” ayuu ku yidhi Cabdicsiis Xildhibaan qoraal uu Facebook-giisa soo dhigay.

Hadalka Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa kusoo beegmayaa xilli uu shalay oo Axad ahayd sheegay in madaxda dowladdu ay ku fashilmayn qorshaha amaanka caasimadda, islamarkaana ay yihiin kuwo lacag doon ah.

Sabtidii lasoo dhaafay ayay ahayd kadib markii qaraxyo iyo weerar toos ah lagu qaaday Wasaaraddaha Amniga ee xukuumadda Soomaaliya, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 30 qof, ayna ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: