Home » Wararka » Wiil Uu Dhalay Libaaxii Saxaraha Oo Geeriyooday.

Wiil Uu Dhalay Libaaxii Saxaraha Oo Geeriyooday.

Wararka ka imanaya wadanka Liibiya ayaa sheegaya in shalay oo Khamiis ahayd uu geeriyooday wiilka kaliya ee uu dhalay halgamaagii mujaahidka ahaa ee Sheekh Cumar Al-mukhtaar.

Magaalada Banghazi ee Bariga Liibiya ayaa shalay gelinkii dambe lagu aasay Allaah ha u naxariistee Sheekh Maxamed Amiin Cumar Al Mukhtaar oo ahaa wiilka hoggaamiyihii gummeystaha Talyaaniga kula dagaallamay Liibiya.

Max’med Amiin ayaa ahaa 97 sano jir. Bishii March 2018 ayuu sheekhu u dhoofay dibadda si halkaas loogu soo daweeyo, wariyaal Liibiya ku sugan ayaa baraha bulshada ku faafiyay warkan ku saabsan geerida wiilka Cumar Almukhtaar.

Sheekh Cumar Almukhtaar ayaa taariikh dahabi ah ku leh Jihaadka qaaradda Afrika gaar ahaan mandiqadda Maqribul islaam halkaas oo uu kula dagaallamay ciidamada gumeysiga Talyaaniga.

Wuxuu ka tagay hal-ku-dheg illaa iyo hadda waaray markii ay daldalayeen saraakiishii gaallada isagoo taagan halkii lagu dilayay ayuu cadowga u sheegay in istish-haadkiisa uu dhiiri-gelin u noqonayo muslimiinta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: