Home » Wararka » Xaaladda Caafimaad Ee Sheykh Safar Al-Xawaali Oo Laga Dayrinayo!
Image processed by CodeCarvings Piczard ### FREE Community Edition ### on 2018-07-07 20:44:43Z | |

Xaaladda Caafimaad Ee Sheykh Safar Al-Xawaali Oo Laga Dayrinayo!

Sheekha caalimka ah ee Safar Al-xawaali oo dhawaan ay xireen ciidamada amaanka ee maamulka Aala-Sucuud ayaa laga deyrinayaa xaaladiisa caafimaad, kadib markii xanuuno ay lasoo derseen.

Sheekha oo ah qof waayeel ah, islamarkaana xanuuno badan ay horay u hayeen ayaa waayay daryeelkii caafimaad ee uu heli jiray markii uu gurigiisa joogay, waxaana haddii xaaladiisa sidan lagu fiirsado suuragal ah inuu geeriyoodo.

Jirdil iyo culeesyo ayuu kala kulmay ciidamada ilaalada xabsiga, iyadoona saraakiil katirsan Nabad-sugida maamulka Aala-Sucuud ay sheekha tacdiibiyeen.

Wiilasha uu dhalay sheekha ee la xiran ayaa iyagana si adag ula kulmey tacdiib daran, waxaana lagu cadaadinayaa iney ogolaadaan iney warbaahinta ka sheegaan in kitaabka lagu xiray sheekha uusan qorin aabahooda.

Maamulka Aala-Sucuud oo u adkeysan waayay nasaa’ixda cad cad ee ku jirta kitaabka, islamarkaana looga Hadley xaqiiqdiisa ayaa ku cadaadinaya sheekha inuu sheego inuusan kitaabka isagu qorin, markaasna ay sii deyn doonaan.

Sheekha iyo caruurtiisa ayaa diidan soo jeedinta maamulka Aala-Sucuud, waxayna sheegayaan in kitaabka uu qoray Sheekh Safar Al-xawaali, waxa ku qorana ay diin u arkaan.

Radio AlFurqaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: