Home » Wararka » XOG CUSUB: Weerarro Ciidamo Maraykan & Amisom Lagula Beegsaday Duleedka Kismaayo.

XOG CUSUB: Weerarro Ciidamo Maraykan & Amisom Lagula Beegsaday Duleedka Kismaayo.

Xog dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa weeraro ciidamo shisheeye ka dhan ah oo ka dhacay gobolka Jubada hoose, gaar ahaan degaan dhaca duleedka magaalada Kismaayo.

Waxaa sii kordhaya khasaaraha ciidamada Mareykanka iyo kuwa Midowga Afrikaanta kasoo kala gaartay weeraro saacadihii lasoo dhaafay ka kala dhacay duleedyada magaalooyinka Marka iyo Kismaayo ee gobalada Jubbada hoose iyo Shabeelada hoose.

Weerarka ka dhacay deegaanka Ceelwareegow ee gobalka Shabeelada hoose ayaa lala helay kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Ugnada, ilo wareedyo lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in ugu yaraan sedax gaari oo nuuca gaashaaman ah lagu burburiyay weerarka islamarkaana lagu dilay 2 askari.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen jugta qaraxyo is xigxigay waxaana qaraxyada barbar socday weeraro fool ka fool ah oo dagaalyahannada Al Shabaab ay labeegsanayeen ciidamada AMISOM.
Dhinaca kale Weerarka ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo ee gobalka Jubbada hoose waxaa lala beegsaday kolanyo isugu jirtay Mareykanka,Kenyaan iyo maleeshiyaad katirsan maamulka Axmed Madoobe. weerarada oo ahaa kuwa saacado badan qaatay ayaa ku bilaawday qaraxyo loo dhigay ciidamada huwanta ah.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in gaari nuuca gaashaaman ah oo ay la socdeen ciidamo caddaan ah ay waxyeello kasoo gaartay qarax lagula eegtay meel ku dhow deegaanka Buula Gaduud oo qiyaastii 30 KM ujira magaalada Kismaayo.

Idaacada Andalus ee Afka Xarakada Al Shabaab ku hadasha ayaa baahisay in khasaara xooggan ciidamada ciidamada huwanta ah lagu gaarsiiyay dagaalladii maanta ka dhacay meel ku dhow Buula Guduud, warar lagu kalsoonyahay waxay xaqiijinayaan in diyaarad nuuca qumaatiga ukacda ah ay kusoo degtay goobta dagaalka halkaas oo ay ka daabushay Meydad iyo dhaawacyo.

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in ciidamadii isugu jiray Caddaanka iyo Afrikaanta ay dib ugu laabteen garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo oo markii hore ay kasoo duullaan tageen.

Xigasho: Amiirnuur

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: