Home » Wararka » Xoogagga Al-Shabaab Oo Cagta Mariyey Saldhig Ciidan Oo Ku Yaalla Gaarisa

Xoogagga Al-Shabaab Oo Cagta Mariyey Saldhig Ciidan Oo Ku Yaalla Gaarisa

Dagaalyahanno aad u hubeysan oo katirsan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa duulaan ku qaaday saldhig ay ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaan u dhow magaalada Gaarisa ee dhulka NFD.

Saldhiga ay ciidamada Mujaahidiinta weerareen waxaa uu ku yaalaa deegaanka Yuumbis oo u dhow magaalada Gaarisa, waxaana gebi ahaanba saldhiga lagala wareegay ciidamada Kenyaatiga.

Weerarka oo dhacay saqdii dhexe ee xalay, ayaa lagu soo waramayaa in ciidamada Al-Shabaab ay hub iyo saanad milliteri oo aad u farabadan ku furteen dagaalka, ciidamadi Kenyaatigana ay noqdeen kuwa dhintay iyo wax baxsaday.

Xarun ay shirkadda Safaricom ku lahayd deegaanka, ciidanka goobta degnaanana ay ilaalinayeen ayaa gebi ahaanba dhulka lala simay.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sii kordhisay weerarada ay ka fulineyso dhulka Soomaaliyeed ee ku jira gumeysiga dowladda Kenya, waxaana dhiig bax adag uu ku socdaa ciidamada Kenyaatiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: