Home » Wararka » Xoogagga Al-Shabaab Oo Xaqiijiyey Inay La Wareegeen Deggaan Ka Tirsan Somaliland.

Xoogagga Al-Shabaab Oo Xaqiijiyey Inay La Wareegeen Deggaan Ka Tirsan Somaliland.

Wararka ka imanaya bariga Somaliland ayaa sheegaya in xoogagga Al Shabaab ay si buuxda ula wareegeen deggaan istiraatiiji ah oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Deggaankan oo lagu magacaabo Gacan-Maroodi ayaa qiyaastii 50 KM u jira magaalada Ceerigaabo oo ah magaalo-madaxda gobolka Sanaag.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab, ayaa lagu xaqiijiyey in ciidamadoodu ay qabsadeen deggaanka Gacan-Maroodi, isla markaana dadka deggaanku ay si heer sare ah u soo dhaweeyeen.

“Allaah fadligii maanta ciidamada Mujaahidiinta waxay la wareegeen deggaan Istaraatiiji ah oo ku yaalla gobolka Sanaag, deggaankaas waxaa lagu magacaabaa Gacan-Maroodi, wuxuuna qiyaastii 50km u jiraa magaalada Ceerigaabo, ciidamada Mujaahidiinta ayaa si buuxda ula wareegay kadib markii ay ka ceyriyeen maleeshiyaatkii ku sugnaa, dadweynaha ayay meel fagaara ah kala hadleen si wanaagsan ayaana loo soo dhaweeyey” ayuu yidhi Sheekh Abuu Muscab Afhayeenka hawl-gallada ee ciidamada Al-Shabaab.

Warbaahinta Al-Shabaab waxay waxay intaasi ku dareen in ciidamadii Somaliland ee halkaasi ku sugnaa ay isaga firxadeen deggaanka Gacan Maroodi, taas oo xoogagga Al-Shabaab u suurta-gelisay in ay si nabad-gelya ah kula wareegaan deggaanka.

Saraakiishii hoggaaminaysay ciidamada Al-Shabaab ayay wararku tibaaxayan inay goob fagaare ah kala hadleen shacabka, waxayna u jeediyeen muxaadarooyin diini ah.

Dhanka Xukuumadda Somaliland ayaan weli ka hadal, wax war ah-na kasoo saarin qabsashada Al-Shabaab ee deggaankan hoos-taga magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Tani waxay ka dhigan tahay markii ugu horreysay oo ay xoogagga Al-Shabaab gacanta ku dhigaan deggaan hoos-taga gobollada Somaliland.

Xarakada Al-Shabaab ayaa horey u maamulayey gobollo iyo deggaano dhaca Koonfurta, Badhtama iyo Bariga dalka Soomaaliya.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: