Home » Wararka » YAAB: Culaan Dhererkiisu Ahaa 1.22 Mitir Ee Isu Beddelay Cimlaaq 2 Mitir Ah

YAAB: Culaan Dhererkiisu Ahaa 1.22 Mitir Ee Isu Beddelay Cimlaaq 2 Mitir Ah

Xaaladda Adam Rainer, waxaa lagu tilmaamaa xaaladaha ugu yaabka badan ee soo maray taariikhda aadamaha inta la ogyahay. Rainer oo noolaa muddo 51 sano ah, ayaa intii uu jiray waxa uu soo maray isbedello dhinaca qaab dhismeedka jidhka ah (Morphology). Waxa uu ahaa cullaan, weliba xaaladaha ugu gaagaaban ah, waxa se uu isu beddelay Cimlaaq inta dabiiciga ah aad uga weyn, illaa heer lagu naanaysay, ‘Cullaankii cilmaaqa ahaa’.

Rainer qiyaasihii sannadkii 1899 kii ayaa uu ku dhashay magaalada Graz ee dalka Usteri. Markii uu dhashay laguma arkin wax calaamad ah oo muujinaya in uu qabo xaalad caafimaad oo aan caadi ahayn. Sida oo kale waalidkii hidde uma uu lahayn wax cillad dhinaca abuurka ah, oo isaga looga baqo in uu hidde raaco. Dhererkoodu dabiici ayaa uu ahaa, dhibaato kalana kama ay muuqan qaabdhismoodka jidhkooda. Laakiin xaaladdaas dabiiciga ah ee uu Rainer ku dhashay ma’ay noqon mid sii waarta. Muddo gaaban, oo uu weli carruur yahay ayaa laga dareemay in koritaankiisu uu si aad u gaabis ah u socdo, marka la barbar dhigo carruurta kale ee faciisa ah. Markii uu kurayga noqday, waxaa muuqatay in dhererkiisu uu samaynayo koriin ka badan intii laga filan karayey da’diisa. Markii uu 19 sano jirka ahaa Rainer dhererkiisu waxa uu ahaa 1.22 mitir, sidaa awgeed waxaa loo aqoonsaday in uu cullaan yahay, gaar ahaan marka la eego xilligaas oo ninka dhererkiisu ka gaaban yahay 1.47 mitir loo yaqaannay culaan.

Markii uu bilowday dagaalkii koowaad ee adduunka ayaa uu Rainer dalbaday in lagu daro ciidamada dalka Usteri, laakiin codsigaas lagama aqbalin, kaddib markii ay dhakhaatiirtii ciidanku eegeen dhererkiisa ka gaaban inta dabiiciga ah. Rainer waxa uu ciidanku u aqoonsaday culaan, kaddib markii askarigii ugu gaabnaa ee ciidamada ku jiray, uu in aad u badan ka sii gaabnaaday. Waxa kale oo iyaduna shaki ku abuurtay dhakhaatiirta ciidanka. Xubnaha Rainer oo qaarkood aanay dabiici ahayn. Tusaale ahaan sida uu jooggiisu aad ugu gaaban yahay, haddana xubnihiisa qaarkood waxa ay ahaayeen kuwo aad uga waaweyn inta dabiiciga ah.

Caadi ahaan korniinka dadku waa uu joogsadaa da’da labaatanaadka, laakiin Rainer tiisu mucjiso ayaa ay noqotay. Markii uu galay da’dan ayaa waxa uu jidhkiisu dib u bilaabay korniin xawli ku socda. Intii u dhexeysay 21 jirkiisii illaa da’da 31 ka waxa uu dhererkiisu gaadhay 2 mitir iyo 13 sentimitir, halka uu hore ka ahaa 1 mitir iyo 22 sentimitir. Laakiin nasiibdarro dhererkaas xawliga ku socday, waxa uu ku keenay xaalado caafimaad darro. Qaybo jidhkiisa ka mid ah ayaa uu dareenkii ka tegey, ama bakhti noqday, waxa aanu awoodi waayey in uu si habsami ah noloshiisa u wato, oo inta badan furaashyaal ayaa uu ahaa.

Sidee wax u jireen

Isbeddelka dambe ee ku yimi korniinka Rainer waxa uu dhakhaatiirtii xilligaas ku abuuray faduul ah in ay ku sameeyaan baadhitaan, si ay u ogaadaan sirta ka dambaysa in ninkii culaanka ahaa mar keliya xilli aan korniin looga baran jidhka aadamaha, uu bilaabo korniin, weliba ka dhigay cimlaaq ka weyn inta dabiiciga ah.

Shaybaadhadii waxaa lagu ogaada natiijo furfurtay halxidhaalihii la xidhiidhay xaaladda ninkan. Rainer buro kansar oo nooceedu dhif yahay ayaa tan iyo carruurnimadiisii kaga taallay qanjidhka Bitiwiitariga (Pituitary gland) oo ku yaalla maskaxda hoosteeda. Taas ayaa ninkan ku keentay khalkhal ku dhacay habka qaybinta hormoonnada ee jidhkiisa, gaar ahaan hormoonka korniinka.

Markii xaaladda Rainer ka sii darta korniinkiisuna uu joogsan waayey waxa ay dhakhaatiirtu ku sameeyeen qalniin aad u xasaasi ah, oo ay buradaas kansarka ah kaga jarayaan, si ay isugu dayaan in ay naftiisa badbaadiyaan.

Qalniinkaasi guulweyn ayaa uu ku dhammaaday. Dhakhaatiirta waxaa u suurtagashay in ay soo jaraan buradaas, qalniinka kaddibna waxaa Rainer xaaladdiisa laga dareemay ka soo rayn badan. laakiin dhibaatadu waxa ay ahayd qalniinkan guulaystay oo aan suurtagelin in uu wada joogsado korniinkii Rainer, in kasta oo uu aad u yaraaday. Ugu dambayntii korniinkii sii socday waxa uu sababay in Rainer uu waayo dareemada qaarkood. Waxaa ka mid ahaa in uu indho belay, dheguhuna ay cuslaadeen.

Ugu dambayntii Adam Rainer waxa uu dhintay bishii Maarso ee sannadkii 1950 kii, maalinta uu dhintayna dhererkiisu waxa uu marayey laba mitir iyo 35 Sentimitir.

Rainer oo uu hareer fadhiyo nin dhererkiisu dabiici yahay

 

Xigasho: Wargeyska Geeska Afrika.

%d bloggers like this: